Wararkii ugu dambeeyay qaraxa cayaartoyda ee Kismaayo

Kismaayo (Axadle) – Faah faahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxii galabta ka dhacay magaalad Kismaayo, kaasi oo haleelay Bus ay saarnayeen ciyaartooyda kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo.

Gaariga uu qaraxa haleelay oo gebi ahaanba gubtay, waxaana ilaa hadda loo xaqiijiyey Axadle dhimashada 4 ciyaartooy oo kamid ah dhalinyaradii saarneyd gaarigaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacamtay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qarax ee haleelay gaariga ay saarnayeen Ciyaartooyda, waxay qaarkood sheegayaan in qaraxa lagu xiray gaariga bus-ka ah, halka kuwa kalena sheegayaan in uu ahaa is-miidaamin.

Laamaha amaanka ayaa ilaa hadda wada baarista qaraxaas iyo qaabka uu u dhacay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dhalinyaradda ciyaartooyda ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Farmaajo ayaa qaraxaas ku macneeyay mid ka marag kacaya sida argagixisada cadow ugu tahay nolshada dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marka laga imaado qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ee lagu sheegay in qaraxaas ay ka dambeyso Al-Shabaab, ilaa hadda majiro war kasoo baxay kooxda oo ku aadan qaraxa Kismaayo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More