Wadahadalo u furmay mucaaradka iyo Xukuumada Gobaladda Waqooyi

Arbaco, Luulyo, 6, 2022 () – Wadahadalo lagu gorfaynayo khilaafka doorashooyinka Gobaladda Waqooyi oo ay soo qaban qaabisay guddida dhexdhexaadinta, ayaa Hargaysa uga furmay mucaaradka iyo xukuumada Gobaladda Waqooyi.Guddoomiyaha Golaha Guurtida Gobaladda Waqooyi Saleebaan Maxamuud Aadan oo gadhwadeen u ah guddida dhexdhexaadinta, ayaa shirka furay, isaga oo sheegay in kalanka maantu uu yahay bilow lakiin balan cusub la qabsan doono, si wadahadalada loosii wado.

Musharaxa Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa soo dhaweeyay kulanka isaga oo soo jeediyay in aan loo kala tagin, isla markaana waxa uu balan qaaday in ay aqbalayaan wixii guddida dhexdhexaadintu ku xukunto.

“Gogosha waynu ku wada fadhiyaynaa, hadaanu qaldanahay waa nala qabanayaa, hadii sharci laga wadahadlayo diyaar, hadii garnaqsi laga wadahadlayo diyaar ayaanu u nahay, go’aan kasta oo cidaa na dhexjoogtaa nagu dhexdhexaadisana diyaar ayaanu u nahay” ayuu yiri Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isna dhankiisa soo jeediyay in aan loo kala kicin oo khilaafka lagu dhameeyo wadatashigii Gobaladda Waqooyi caadada u ahaa.

“Wakhti noo qabta ciida ka bacdi, si aynu dalkeena warwarka uga saarno, si aynu cadowgeena uga nixino, sidii caadada inoo ahaan jirtay saacada u danbaysa waynu heshiin jirnay, markaa yaan loo kala tagin, waxaan kala leenahay ma jirto” ayuu yiri Faysal.

Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi ayaa isna dhankiisa bogaadiyay guddida is xilqaantay ee dhexdhexaadinta, guddoomiyaha golaha guurtida iyo dhamaan cidkasta oo isku howshay in miiska layskugu yimaado. Dhinacyada ayaa ku balamay in ciida kadib laysku soo noqdo.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More