Wadahadalada u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada Gobaladda Waqooyi oo si rasmi ah loo gudo galay

Arbaco, Luulyo, 13, 2022 (AX) – Xukuumada Gobaladda Waqooyi, ayaa sheegtay in maanta si rasmi ah loo gudo galay wadahadalada u dhexeeya mucaaradka iyo xukuumada Gobaladda Waqooyi, isla markaana horumar laga sameeyay.Warbixin kasoo baxday Madaxtooyada Gobaladda Waqooyi, ayaa lagu sheegay in kulankii maanta mucaaradka iyo muxaafadku ka yeesheen khilaafka doorashooyinka Gobaladda Waqooyi, ay labada dhinacba si rasmi ah usoo bandhigeen doodahooda, isla markaana laysku soo dhawaaday.

“Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo Khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo  ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID Waddani iyo Kulmiye” ayaa lagu yiri warbixinta.

Xisbiga UCID ayaa dhankiisa madaxweynaha Gobaladda Waqooyi ku eedeeyay in uu ka caga jiidayo in wadahadalada laga gaadho is afgarad buuxa, iyaga oo dhanka kalena rajo wanaagsan ka muujiyay in wahadaladu guul kusoo dhamaadaan.

Xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadka Gobaladda Waqooyi, ayaa kalsooni buuxda u siiyay guddida dhexdhexaadinta, waxayna sheegeen in ay ku qancayaan wixii kasoo baxa wadahadalka.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More