TPLF: Ma jirto cid na hor istaagi karto xitaa roobka, waxaan…

Addis Ababa (Axadle) – Afahayeenka fallaagada TPLFee la dagaallanta waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadooda ay kusii siqayaan jiha kasta isla markaana aysan jirin cid hor istaagi karta xitaa roobka.

“Ciidamadeena waxay kusii siqayaan jiha kasta, ma jirto cid na hor joogsan karto xitaa roobka” ayuu yiri Getachew Reda farriin uu soo dhigay Twitter-ka.

Waxaana Itoobiya ka socdaa abaabul ka dhan ah TPLF xilli uu dagaalka ka socda waqooyiga dalkaas.

Qaramada Midoobey waxay ku baaqday in gargaar deg deg ah la gaarsiiyo shacabka ku nool Tigray.

Waxa ay arrintan daba socotaa digniin dhawaan soo baxday oo ah in 400 oo kun oo qof oo ku nool gobolka Tigray ay wajahayaan xaalad macluul ah oo halis ah, kaddib muddo 9 bilood ah uu dagaal halkaasi ka socday.

Su’aasha lais weydinaya waxay tahay goormaa xal nabadeed loo heli doonaa dagaalka Tigray?

Muddo 9 bilood ah ayaa laga jooga tan iyo markii ay dagaallada ka bilowdeen gobolkaas.

Dagaalka wuxuu ku bilowday markii dowladda ay qaaday howlgal ay ku tilmaantay dib usoo celinta kala dambeynta kaas oo isu baddalay dagaal xooggan oo lala galay fallaagada TPLF.

Labada dhinaca guulo ayay sheegayaan xilli ay u muuqato in dagaalka uu sii baahayo.

“Dagaalyahanada TPLF waxay sheegeen inay gaari doonaan Addis Ababa halka dowladda ay sheegtay inay ciribtiri doonto TPLF” ayuu yiri weriyaha BBC ee Addis Ababa Kalkidan Yibeltal.

Waxaa jirtaa cabsi ah in dagaalka uu ku baaho gobollada kale ee deriska ah.

Itoobiya waxaa haatan ka socdaa abaabul iyo ciidan urursi ay wadaan maamulada kaas oo ka dhan ah TPLF.

“Waxaan hadda aragnaa abaabulka ciidan ay wadaan maamulada, TPLF waxay horraan sheegtay in weeraro ay ku qaadeen gobollada Amxaarada iyo Canfarta” ayuu yiri Yibeltal.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More