Taalibaan oo dhaxashay kheyraad dhan hal trillion

Kabul (Axadle) – Kooxda Taalibaan ayaa hadda haysa furayaasha kheyraad macdan oo qiimahiisa lagu qiyaasay hal trillion oo dollar, oo ku jira dalka Afghanistan oo ay dhowaan xukunkiisa la wareegeen.

Kheyraadkan, oo sanado badan ay Afghanistan la xarbineysay inay lasoo baxdo, ayaa waxaa ka mid ah kuwa muhiim u ah isku dayga ay dunida ugu wareegeyso tamarta la cusbooneysiin karo.

Taalibaan ayaa durba wajaheysa caqabado maaliyadeed, 20 sano kadib markii ay xukunka dib ula wareegeen, ayada oo dalalka deeq bixiyaasha caalamka ay badankood hakiyeen gargaarkii ay siin jireen Afghanistan.

Hase yeeshee, haddii ay maareeyaan inay lasoo baxaan kheyraadkan, Afghanistan waxay noqon doontaa mid ka mid ah dalalka ugu hodansan caalamka.

Kheyraadkan ayaa waxaa ka mid ah maarta, birta iyo lithium, oo dunida naadir ka ah, sida lagu sheegay daraasad ay bishii Janaayo soo saartay hay’adda daraaseynta dhulka ee Mareykanka ee US Geological Survey (USGS).

Maarta, oo muhiim u ah fiilooyinka, ayaa qiimaheedu sanadkan sare u kacay, oo halkii tan uu gaaray  $10,000. Lithium-ka ayaa muhiim ah batariga baabuurta korontada ku shaqeeya iyo soolarka.

Dalabka Lithium-ka ee caalamka ayaa la filayaa inuu 40 jibaarmo marka la gaaro sanadkan 2040, sida ay sheegtay Hay’adda Tamarta Caalamiga ah.

“Afghanistan waxay ku fadhisaa keyd lithium oo aad u baaxad weyn, oo ilaa iyo hadda cidna aysan taaban,” waxaa sidaas yiri Guillaume Pitron oo qoray buugga “The Rare Metals War”.

Hay’adda USGS ayaa sheegtay in kheyraadka macdanta ee aan weli la taaban ee Afghanistan uu qiimihiisu dhan yahay hal trillion oo dollar, inkasta oo saraakiisha Afghanistan ay ku sheegaan saddex jibaar intaas.

Inkasta oo la wareegista Taalibaan ee Afghanistan ay gadaal u celin karto maal-gashtayaasha shisheeye,  ayaa hal waddaan oo doonaya inuu kooxda ganacsi la sameeyo waxa uu yahay Shiinaha.

Dalka labaad ee ugu dhaqaalaha ballaaran caalamka ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xiriir “saaxiibtinimo iyo wada-shaqeyn la yeesho” Taalibaan kadib markii ay galeen Kabul.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More