Soomaaliya oo ka gudubtay dib u eegistii 1-aad ee Barnaamijka Kaalmada Gaar ah ee Hey’adda IMF.

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saaray dib u eegistii Koowaad ee kaalmada gaarka ah ee Barnaamijka ECF loo soo gaabiyo.

Hawlwadeeno ka socda Sanduuqa Lacagta Adduunka ee IMF ayaa wadahadallo dhanka khadka internetka ah la yeeshay masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 12-22 bisha September, 2020. Kulanka dhanka khadka internetka ah ayaa ujeedkiisu ahaa dib u eegista koowaad ee barnaamijka  dib u habeynta dhaqaalaha Soomaaliya oo  lagu taageero hannaanka kaalmada dhaqaale ee dalalka deymaha lagu leeyahay.

Horraantii sanadka 2020 Soomaaliya waxaa soo food saaray musiibooyin kala duwan sida daadad, ayax iyo cudurka dunida dhan saameeyay ee Coronavirus.Tan ayaa sii adkeysay xaaladaha bini aadanimo iyada oo si aan wanaagsaneyna  saameyn ugu yeelatay dhaqaalaha iyo awoodda dowladda ee saarista dakhliga gudaha.

Masuuliyiinta Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin dhowr oo wax looga qabanayo saameynta dhibaatooyinkaas ay ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed iyo dhaqaalahaba. Dadaaladaan ayaa waxaa xoojiyay taageero muhiim ah  ee ka  timid beesha caalamka, waxaana ka mid ah qafiifin kooban ee canshuurta badeecadaha daruuriga ah, habka kaalmeynta dadka dhaqaale ahaan jilicsan  ee Baxnaano iyo adeegtada gargaarka dhaqaale ee Gargaaro ee ganacsiyada  yaryar  iyo kuwa  heer dhexe lagu maalgellinayo.

Ka sokow qalqalada jira waxay masuuliyiinta Soomaaliyeed muujiyeen siday uga go`antahay dib u habeynta dhaqaalaha, iyaga oo sameeyay horumaro lagu qanci  karo oo ku aaddan siyaasadaha muhiimka ah ee hoos yimaada habka deyn ballaarinta iyada oo lagu guuleystay heshiiska koowaad ee dib u eegista  heer shaqaale. Dhammaan cabiradii qaab dhismeedka guud iyo  hiigsiyadii bishii June ayaa la gaaray dhammaan marka hal mid laga reebo kaas oo ah habka qiimeynta shaqaalaha.

Dakhliga canshuuraha gudaha ee dowladda ee bishii June ayaa gaaray 99 Milyan oo Dollar Mareykanka ah, halkii laga filayay in uu gaaro 109 milyan oo Dollar. Masuuliyiinta ayaa maamulka sare  Hey’adda IMF ka codsanaya in uu loo dhaafo gaarid la’aanta yoolalka la hiigsanayay taas oo lagu daboolayo tallaabooyinka la qorsheeyay si loo hubiyo dib u soo kabashada dakhliga gudaha sanadka 2021.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh oo warbixinta Hey’adda IMF soo dhaweeyay ayaa sheegay in ” Soomaaliya ay ka gudubtay dib eegista imtixaankii kowaad oo ah Barnaamijka Kaalmada Gaar ah ee ECF” ee dib u habaynta hannaanka Maaliyadda dalka si loo gaaro yoolalalka la harsan deyn cafinta Soomaaliya.

“Waxaa si guul ah inoogu soo idlaaday dib-u-eegidda Barnaamijka ‘ECF’ oo ay inoo suuro gashay in aan ka gudubno wajigiisii 1aad”. Ayuu yiri Wasiir Beyleh.

Hawlwadeenada ayaa masuuliyiinta uga mahadceliyay horumardooda joogtada ah ee dib u habeynta maaliyadeed sida maamulka iyo maareyenta canshuuraha iyo furdooyinka. Sidoo kale sare  u qaadida xiriirka maaliyadeed ee dowladda iyo Maamul Goboleedyada. Waxay hawladeenada Hey’adda IMF carrabka ku adkeeyeen muhiimadda in miisaaniyada la sameynayo ee 2021 ay wafaaqsanaato habka ECF waxayna sidoo kale booriyeen xakameyn joogto ah  kharajka  si loo abuuro hab wax loogu bixin karo  baahiyaha la isla gartay ee nidaamka sagaalaad ee Qorshaha Horumarinta Qaranka.

Hey’adda IMF ayaa ku bogaadisay dadaalada ay waddaan masuuliyiinta dowladda si ay heshiis deyn cafinta u la gaaraan deyn bixiyaasha dibadeed si deymaha loo cafiyo si waafaqsan habka HIPC ee deyn cafinta.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More