Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka Gobaladda Waqooyi oo xabsiga laga sii daayay

Talaado, Luulyo, 5, 2022 () – 12 siyaasi oo iskugu jira masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada mucaaradka Gobaladda Waqooyi ee Waddani iyo UCID, oo lagu xidhay mudahraadkii 9 Juun, ayaa laga siidaayay xabsiga Madheera.Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka tirsan xisbiga Waddani, kana mid ah siyaasiyiinta maanta lasii daayay, ayaa u mahadceliyay guddida dhexdhexaadinta isagoo soo jeediyay in hab dhaqanka Booliiska Gobaladda Waqooyi wax laga badalo.

“Sida salaadiintu codsatay anaga oo dalka u tudhayna, salaadiinta Madheera noogu timid ixtiraamayna, Cali Waran Cadde ixtiraamayna iyo raga kale ee ka howlgalay howsha … waxaanu umada u sheegaynaa in ciidanka booliiska ee dalku uu u baahanyahay in dib loo eego” ayuu yiri Cukuse.

Dhinaca kale wuxuu mahad ka sheegtay ciidanka xabsiyada Gobaladda Waqooyi “Qolada ay-jeeshu waa niman yaqaana sharciga iyo dowladnimada garanaya, anaga way noogu roonaayeen cuntada iyo caafimaadka, iyo nadaafada intaba, raga haystaana waa rag madax ah oo aqoon sare leh”.

Waxa uu dhanka kale, sheegay in xadhigoodu aanu mushkilad wayn ahayn lakiin, mushkilada wayni ay tahay khilaafka doorashada ee hada taagan, isla markaana loo bahanyahay in laga howlgalo oo dadka waxgaradka ahi gacan ka gaystaan.

Guddida isxilqaantay ee dhexdhexaadinta xukuumada iyo mucaaradka iyo xubno golaha guurtida ka socda oo lagu dhafay iyo madaxweynaha Gobaladda Waqooyi oo saacado kahor kulan yeeshay ayaa isku afgartay in lasii daayo dhamaan siyaasiyiinta mucaaradka ee xidhnaa.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More