Shirqoolkii Madax goboleedyada oo si rasmi ah u Dhaqangaliyey

Muqdisho (Axadle) – Waxaa galabta Muqdisho lagu soo gabagabeeyey shirkii golaha wadatashiga qaranka ee Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada, kaas oo heshiis looga gaaray habraacyada doorashooyinka, sida xulista ergada doorashada, amiga doorashada, dhaqaalaha ku baxaya iyo qaabka loo ilaalinayo qoondada haweenka.

Heshiiskaan ayaa daaha ka rogaya in golahaan ka kooban ra’iisul wasaaraha iyo madaxda dowlad goboleedyada ay la wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana ku jira qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh.

Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, “Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.”

Qodobkaan ayaa cadeynaya in 101-da xubnood ee Ergada ah 67-qof oo ka mid ah ay soo dooran karaan xildhibaanka, iyadoo laga kaaftoomi karo 34-ka qof ee kale.

Tani waxay madaxda dowlad goboleedyada oo sidey rabeen u maamushay doorashada xubnaha Aqalka Sare fursad awood u siineysaa, in goobta doorashada laga hor istaago ergada inta aysan rabin, oo codkooda aysan ku kalsooneyn, maadama uu heshiiskaan u ogolaanayo inay ka maarmaan ugu yaraan 30 ka mid ah ergada soo dooraneysa halkii kursi.

Sidoo kale heshiiskaan qeybtiisa hubinta ergada waxaa lagu yiri, “Si loo hubiyo fuhnaanta amni iyo sugnaanta ergada, liiska ergada ee kusi kasta waxaa hubinaya guddi hoosaadka amniga ee guddiga doorashada dowlad goboleedyada, si looga hor-tago faro-gelinta argagixisada, iyagoo ka hubinaya hey’adaha dembi barista iyo xasilooni darada amni ee doorashada.”

Halkaan madaxda dowlad goboleedyadu waxay ka heli karaan fursad kale oo ay ku dhimi karaan tirada xubnaha ergada ah ee soo dooranaya kursi xildhibaan, sida in xubintii la doono lagu adkeeyo warqadda dembi la’aanta, sidaasna codeynta doorashada looga reebo.

Qodobadan ayaa awoooda ka qaadaya guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FIET) oo awoodiisii oo dhan lagu wareejiyey Guddiga Heer Maamul Goboleed ee ay u taliyaan madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada, waxaana awoodihii Guddigan kusoo haray kormeerid, ogaanshaha maamulka miisaaniyadda Doorashada iyo kaliya sharciyad iyo shahaado siinta xildhibaannada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More