Maxay ka wada-hadleen golaha wada-tashiga

Muqdisho (Axadle) – Xubnaha Golaha wadatashiga qaran ayaa maanta kulan ballaaran la yeeshay safiirada beesha caalamka ee fadhigooda yahay Caasimadda Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoomiyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyada oo ay goobjoog ahaayeen madaxda maamul goboleedyada iyo duqa Muqdisho.

Intiisa badan waxaa shirkan diiradda lagu saaray dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan mid golaha shacabka ee la filayo in dhowaan la qabto.

Sidoo kale waxaa kulanka lagu soo qaaday taageerada beesha caalamka ee ku aadan doorashooyinka, maadaama dowladdu ay raadineyso dhaqaalaha ka dhimman.

Ilo wareedyo lagu kasloon-yahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in golaha wada-tashiga qaran iyo xubnaha beesha caalamka ay ka wada-hadleen sidii loo xalin lahaa tabashada midowga musharixiinta mucaaradka oo si weyn uga soo horjeestay habaaraca doorashada.

Kulankan ayaa qeyb ka noqonayo wada-hadallo is-daba joog ah oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey Axadle, kuwaas oo diiradda lagu saarayey doorashooyinka 2021-ka, waxaana ugu dambeeyey midkii ay xalay yeesheen golaha wada-tashiga & musharixiinta.

Si kastaba doorashada Soomaaliya oo marxalado kala duwan ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, iyada oo la guda-galayo mida golaha shacabka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More