Sawirro: Maxay DENI kala hadleen wafdigii maanta

Garoowe (Axadle) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socday Qaramada Midoobay, oo ay hogaamineyso ku-xigeenka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Wafdiga uu qaabilay Saciid Deni ayaa waxaa kamid ahaa Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka socda IGAD.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, ayada oo si gaar ah diirada loogu saaray doorashada Golaha Shacabka oo mareysa heer gaba-gabo ah.

Madaxweyne Deni oo warbaahinta la hadlay kulankaasi kadib, ayaa sheegay in ay mas’uuliyiinta uu qaabilay kulankooda diiradda ku saareyn ka gudbinta xaaladda kala guurka ee doorashooyinka.

Sidoo kale waxa uu si gaar ah u carabaabay in dhinacyada isla soo qaadeen muhiimada ay leedahay ilaalinta qoondada Haweenka, islamarkaana loo ilaalin lahaa.

“Kulan is-xog wareysi ah ayuu xoogiisa ahaa, waxyaabihii u badna ee ka wada-hadlnay waxay noqdeen waxyaabo aan runtii isla garaneyn. Waa uga mahad-celinayaa safarkaan qaatay waqtigii ugu haboona,” ayuu yiri.

Doorashada Golaha Shacabka oo dalka kasii socota ayaa lagu wada in lasoo gaba-gabeeyo 15-ka bishaan Maarso, kaasi oo ah waqtiga cusub ee ay u jaangoyeen Golaha Wadatashiga Qaranka.

Tan iyo markii la bilaabay doorashada Golaha Shacabka illaa hadda ayaa waxaa la doortay Mudanayaasha 223 kursi, ayada oo la filayo in la qabto 2 kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, waxaana harsan 50 kursi, xili ay labo maalmood ka harsan yihiin waqtigii lagu soo idleyn lahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More