Saciid Deni oo ku fashilmay qorshihiisa beesha

Boosaaso (Caasimada Onine) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntand Saciid Cabdullaahi Deni iyo mid k amid ah Beelaha daga Puntland ayaa heshiis ka gaaray khilaaf xoog leh oo ku saabsanaa kuraasta ay leedahay beeshaas.

Sida ay xog ku heshay Shabakadda Axadle, Saciid Deni ayaa ogolaaday in si furan loogu tartamo kuraasta beesha Cumar Maxamuud kadib kulan uu la qaatay Isimada Gobolka Mudug.

Deni ayaa Isimada u sheegay inuu ka tanaasulay shaqsiyaadkii uu la rabay kuraastaas, waxaana lagu balamay in kuraasta Beesha Cumar Maxamuud ay noqdaan kuwa furan oo loogu tartamo si caddaalad ah.

Isimada Beesha Cumar Maxamuud ayaa waxaa hoggaaminayey Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, waxayna madaxweyne Deni u gudbiyeen go’aankooda kama dambeysta ah taasoo Deni ku qasabtay inuu aqbalo.

Kuraasta ay leedahay Beeshaan ayaa kala ah HOP#198 iyo HOP#199, waxaana xubnaha Kuraastaan u sharaxan kamid ah wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq iyo guddoomiyaha Mudug Cabdiladiif Sanyare.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa faragelin xoog leh ku sameeyey kuraastii Golaha Shacabka ee taalay deegaanada Puntland, wuxuuna soo saartay xubno badan si uu ugu tartamo xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Kuraasta uu sida cad u boobay oo uu Hal Maalin qaatay waxaa kamid ah 16-ka kursi ee taalay Magaalada Boosaaso kuwaas oo tartan la’aan la siiyey shaqsiyaad uu watay Deni.

Doorashada Soomaaliya ayaa sanadkaan lagu tilmaamay inay tahay xulasho maadaama aysan jirin doorasho lagu kalsoon karo oo lagu soo saaray xubnihii kusoo baxay Kuraasta Golaha Shacabka marka laga reebo kuraas fara ku tiris ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More