RW.Rooble oo arimaha doorashooyinka dalka kala hadlay C/raxmaan C/Shakuur iyo Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Ra’iisul wasaaraha Cusub Maxamed Xaseen Rooble.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ee Wadajir Cabdiraxmaan CabdiShakuur Warsame, ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu tagay xarunta Villa Somaliya, isaga oo halkaasi kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Mr Warsame ayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka kala hadlay arrimaha ku aadan Siyaasadda & doorasho waqtigeeda ku dhacdo, waxaana uu u soo jeediyay tallooyin hanaanka maaraynta xaaladaha kala guurka ah ee dalka.

“Kulan saacado qaatay ayaan maanta wada yeelanay Raysalwasaare Maxamad Xuseen Rooble. Kulanka oo uu Raysalwasaare Rooble igu martiqaaday ayaa iswaraysi iyo talo jeedin ahaa. Waxaan si gooni ah diirada u wada saarnay arrimaha mudnaanta leh oo ay ugu horayso doorashada oo xiligeeda ku dhacda si cadaalad iyo sinaan lehna u dhacda” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waxaan uga mahadcelinaya Raysalwasaaraha kalsooni gelinta ku aaddan in uusan doonaynin wax muddo kordhin ah, daddaal walbana uu isugu gaynayo sidii doorshada xilligeeda ugu qabsoomi lahayd, iskuna deyi doono in uu dadka u sinaado. Waxaan kaloo u mahadcelinaya Xildhibaan Abtidoon yare oo fududeeyay qabsoomida kulanka.” Ayuu hadalkiisa Raaciyay Mr Warsame.

Ra’iisul Wasaaraha cusub oo shalay Golaha shacabka Soomaaliya kalsoonida siiyay ayaa sidoo kale maanta lakulmay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Modoobe waxa ayna  kawada hadleen in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii dalku uga gudbi lahaa waqtiga kala guurka doorashaduna ku qabsoonto sidii loo qorsheeyey.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu dadaalkiisa ugu badan geliyo Arrimaha doorashooyinka iyo waxka qabashada dhinaca Amniga.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay tan iyo ansixintiisii waxaa uu waday kulamo kala duwan,oo uu la qaadanayo Gudoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, hoggaanka xisbiyada mucaaradka ah ee dalka iyo dadka leh saamaynta siyaasadeed si uu ugula hadlayo soo dhisida golaha wasiirada cusub.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More