Raysal wasaare Rooble oo magacaabay guddiga amniga caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya

Talaado, May, 31, 2022 () – Raysal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga xafladda caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya, taasoo lagu wado inay dhacdo horraanta bisha June.

Raysal wasaaraha ayaa magacaabay lix xubnood oo u badan wasiiradda ku shaqada leh arrimaha amniga iyo sidoo kale taliyayaasha ciidamada.

Wasiirka amniga ayaa guddoomiye looga dhigay guddigan, waxaana la faray inay adkeeyaan amniga munaasabada caleemo saarka madaxweynaha.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xafladda caleemo saarka ku martiqaaday wafuud caalami ah oo ay ku jiraan madaxweynayaal ka socda dalalka deriska.

Madaxweynayaasha lagu casuumay xafladda caleemo saarka, waxaa la filayaa inay kamid noqdaan madaxweynaha Kenya, madaxweynaha Uganda, madaxweynaha Jabuuti iyo sidoo kale raysal wasaaraha dalka Itoobiya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More