Ra’iisul Wasaare oo u baxay SAFAR dalka dibaddiisa ah

0

Muqdisho (Axadle) – Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, Rooble ayaa halkaas uga qeyb galaya shirka caalami ah.

Shirka uu Ra’iisul Wasaare uga qeyb gelayo London waxaa looga hadlayaa sidii sare loogu qaadi lahaa ‘tayada waxbarashada carruurta’ sida lagu sheegay qoraal goordhaw ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada London ee dalka Britain, halkaas oo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu inta uu joogo UK uu kulamo la qaadan doono Ra’isul Wasaaraha dalka Ingiriiska Boris Johnson iyo mas’uuliyiin kale.

Magaalada London, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Bishii May, Uhuru ayaa lagu casuumay inuu soo booqdo Soomaaliya, laakiin qorshahasi weli lama hirgalin sababo la xiriira doorashooyinka ka socda Soomaaliya awgeed.

Sida laga soo xigtay Safiirka Ingiriiska u jooga Kenya, Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Raiisel Wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa ku kulmi doona  xafiiskiisa 10 Downing Street ee London. Uhuru ayaa la filayaa inuu soo gaaro London 27-ka July si uu Shir gudoomiye uga noqdo madasha.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More