R/W Rooble oo Cabdi Xaashi ‘kala saftay’ Mahdi Guuleed – Mux…

Muqdisho (Axadle) – War-saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanada waqooyi ee garabka guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayey kaga warbixiyeen caddaalad darrada iyo eexda uu sameeyey ra’iisul wasaare Rooble uu kula saftay garabka Mahdi Guuleed.

Waxay sidoo kale ka hadleen halka uu marayo khilaafka iyo xal u helidda caqabadahii hortaagnaa doorashada kuraasta labada aqal ee xildhibaanada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi.

“Maanta oo laga joogo bil iyo labaatan maalmood shirkii madasha ee qabsoomay 27.5.2021 waxannu go’aansannay in aan warbixin kooban ka siinno xubnaha Madasha, daneeyayaasha doorashada sida Musharaxiinta xilka madaxweynaha iyo bulshada Soomaaliyeedba halka uu marayo khilaafkil iyo xal u helidda caqabadaha hortaagan madaxbanaanida doorashada kuraasta labada Agal ee Xildhibaanadda ka soo jeeda Gobollada Waqooyi (Gobaladda Waqooyi) oo ka mid ahayd saddexdii arrimood ee khilaafku ka jiray muddada dheer,” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Guddiga ayaa sidoo kale ra’iisal wasaare Rooble ku eedeeyey inu ku guuldarestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Gobaladda Waqooyi inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

“Sida an dhigayo Qodobka 2-aad, farqadiisa (a) ee heshiiskii 27 May 2021 waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Gobaladda Waqooyi loo xilsaartay Ra’isulwasaaraha, isagoo mar walba la tashanaya Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’isul wasaare ku xigeenka.”

“Waxaanu filaynay in Ra’iisul wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Gobaladda Waqooyi. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,” ayaa sidoo kale lagu yiri war saxaafadeedka.

“Doorashada xildhibaanada kasoo jeeda Gobolka Waqooyi waxay ku jirtaa marxalad gaara, Cabdi Xaashi oo ugu sareeya siyaasiyiinta taladii waa loo diiday.. dowladdu waxaa moodaa inay dooneyso inay boobto Doorashada.. Ra’iisal wasaaruhuna telefoonkii waa ka qaban waayey Guddoomiyaha Aqalka Sare; qoraalladii loo dirayna ka jawaabi waayey… heshiisyadii uu galayna waa wada jebiyey..” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlay falalka uu ku dhaqaaqay Ra’iisal wasaare Rooble.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay illaa dhowr talaabo oo uu Guddoomiye Cabdi Xaashi uu qaaday si looga dhabeeyo heshiiskii 27 May lagu kala saxiixday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhameystiran

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More