Qorshaha FARMAAJO uu gacanta ugu dhigayo 120 ka mid ah xildh…

Muqdisho (Axadle) – Loolanka guddiyada doorashada ee Soomaaliya, gaar ahaan guddiga gobollada waqooyi, wuxuu banaanka usoo saaray Istaraatiijiyadda doorasho ee madaxweyne Farmaajo, oo isku dayaya in mar kale dib loo soo doorto.

Farmaajo ayaa xoogga saaraya sidii uu gacanta ugu dhigi lahaa maamulka doorasho ee xildhibaanada gobollada waqooyi, beelaha Banaadiriga, beesha Shanaad iyo kuwa beesha uu kasoo jeedo ee Gedo.

Marka la isku geeyo xildhibaanada Farmaajo uu doonayo inuu gacantiisa kusoo saaro waxay ku dhow yihiin 120, hase yeeshee inay u codeyn doonaan marka uu saaro kadib, waa su’aal kale.

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday wuxuu ku guuelystay inuu gacanta ku dhigo inta badan hoggaanka guddiyada doorashada ee ka shaqeynaya doorashada xildhibaanada, si ay ugu sahlanaato in lasoo doorto xildhibaano taageersan.  

Guddiga doorashada xildhibaanada waqooyi ayaa waxaa Farmaajo uga wakiil ah Mahdi Guuleed, oo si sharci-darro ku qabtay doorasho hoggaan loogu doortay garabkiisa, ayada oo lagala dhuunto garabka guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, oo iyagana guddoon kale doortay.

Farmaajo ayaa rumeysan inuu 90% xildhibaannada ka imaanaya Gobaladda Waqooyi ee lagu dooranayo Muqdisho uu isagu soo saaran karo, codkoodana heli karo, waana taas sababta toddoba ka mid ah 11-ka xubnood ee guddiga doorashada ee xildhibaanada waqooyi ay u yihiin taageerayaashiisa,

Qorshaha Farmaajo ayaa ah in meesha laga saaro siyaasiyiinta waayo aragga ah ee Gobaladda Waqooyi, ee aan la isku haleyn karin, taas beddelkeedna lasoo saaro dhallinyaro daacad ah oo laga keenay Gobaladda Waqooyi, kuwaasi oo la dejiyey hoteellada Muqdisho. 

Farmaajo ayaa doonaya in ugu yaraan 50 ka mid ah xildhibaanada labada aqal ee beesha Direed uu isaga soo xusho.

Farmaajo ayaa sidoo kale rumeysan in xildhibaanada lagu dooranayo Garbahaarey, ee 16-ka ah ay wada noqon doonaan kuwa taabacsan, isaga dagaal adag u galay in magaaladaas ay degto beeshiisa doorasho lagu qabto.

Villa Somalia ayaa sidoo kale ahmiyad weyn siisay guddiga maamulaya doorashada xildhibaanada Banaadriga, oo ka yimid dhinaceeda. Waxaa qorshuhu yahay in shanta xildhibaan ee Banaadiriga ay gebigood noqdaan kuwa ka socda dhanka madaxtooyada.

Sidoo kale, xildhibaanada beesha Shanaad oo lagu soo kala doorasnayo HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa la rumeysan yahay in intooda badan ay u gacan geli doonaan Farmaajo. 

Xildhibaannadan ayaa badankood iminkaba taageera Farmaajo, waxaana ka mid ah Khadiija Maxamed Diiriye iyo Maxamed Cumar Dalxa, iyo xubno kale, umana baahna Farmaajo inuu soo saaro kuwa cusub ee wuxuu ku dadaalayaa in ayaga ay dib usoo laabtaan. 

Halka uu Farmaajo ka filayo xildhibaanada ugu badan ayaa ah doorashada ka dhaceysa Koonfur Galbeed, oo uu maamulayo madaxweyne goboleedka kaliya ee 100% daacadda u ah Farmaajo. 

Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu soo dooranaya xildhibaanada ugu badan oo gaaraya 77, waxaana qorshuhu Farmaajo uu yahay inuu xaqiijiyo in ugu yaraan 50 mid ah ay noqdaan taageerayaashiisa. 

Marka la isku geeyo, Farmaajo wuxuu ku rajo weyn yahay in ugu yaraan 120 ka mid ah xildhibaanada cusub ay noqdaan taageerayaashiisa, hase yeeshee taasi kama dhigna in 120 ay isaga u wada codeyn doonaan, sida aan ka barangay doorashooyinkii hore, waase billow fiican.

Warbixintan oo muuqaal ah hoos ka daawo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More