Qodobo si hordhac ah looga heshiiyey shirka u furmay Rooble …

Muqdisho ( Axadle) – Magaalada Muqdisho ee Axadle Soomaaliya, gaar ahaan Teendhada Afisyoone waxaa si rasmi ah uga furmay shirka arrimaha doorashooyinka ee u dhexeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa guddoominayo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyada oo ay ka qeyb-galayaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Sidoo kale shirka ayaa billowday isaga oo uu ka maqan yahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ee Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo horey qeyb uga ahaa wada-hadalladii fashilmay ee magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Muqdisho.

Axadle ayaa ogaatay qodobo gaarayo illaa afar qodob oo si hordhac ah heshiis looga gaaray, si uu shirka usii socdo isla markaasna ay wadahadalada uga bilowdaan meeshii ay markii hore ku istaageyn.

Qodobada sida hordhaca ah looga heshiiyey waxaa kamid ah:

1)  Guddiyada Doorashada :  Ra’iisul wasaare Rooble ayaa balan qaaday in uu kala diro guddiyada doorashada ee lagu muran san yahay , isla markaan uu magacaabo guddi cusub oo lagu kalsoon yahay .

2) Gedo: waxaa muuqato in uu jiro tanaasul, ama  maamulka Jubbaland lagu wareejiyo ama ay ku baxdo haddii deegaan doorashada laga dhigo hal magaalo maamul gobaleed kasta

3) Arrinta Somaliland:  in guddoomiye Cabdi xaashi iyo mas’uuliyiinta gobalada waqooyi ay go’aan ka soo gaaraan arrinta Somaliland loona madax banaaneeyo .

4) Amniga doorashada: Arrinta kale ee si horu dhac ah xal loogu gaaray waxaa ka mid ah in Amniga doorashada ay la wareegaan Booliiska labada heer ee Federaalka iyo AMISOM

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More