QM oo Soomaaliya u sheegtay war ka duwan kii ay

Nairobi (Axadle) –  Qaramada Midoobey ayaa todobaadkan sheegtay in aysan wax lacag ah u heyn abaarta ka jirta Soomaaliya, xilli la filayey inay malaayiin dollar ku deeqdo gurmadka abaaraha.

Qaramada Midoobay ayaa sababta ku sheegtay inay tahay in caalamka iyo hey’adihii bixin jiray lacagaha ay ku mashquulsan yihiin dagaalka uu Ruushka kusoo qaaday Ukrain.

Ergayga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya arrimaha bani’aadnimada Adam Abdelmoula oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ku sheegay in Qaramada Midoobay aysan gacanta ugu jirin wax ka badan 3% lacagta looga baahan yahay abaaraha dhuftay Soomaaliya oo dhan $1.46 Billion.

Adam Abdelmoula ayaa tilmaamay in xaaladda abaaraha Soomaaliya ay gaartay heerkii ugu sarreeyey ayna u baahan tahay in si deg deg ah loo soo gaaro.

“Qaramada Midoobay waxay markii hore la tacaaleysay dhibaatada Tigray, Yemen, Afghanistan, haddana waxaa soo korortay midda Ukrain, xaaladda waxay hadda tahay mid mugdi ah, aad ayaan uga walaacsanahay,” ayuu yiri Adam Abdelmoula.

Adam ayaa hadalkiisa kusii daray in dad lagu qiyaasay 671,000 ay guryahooda ka carareen iyaga oo biyo, cunto, iyo daaq raadinaya, kuwaas oo ku labo jibaarma 245,000 oo hoary u barakacay December.

Adam Abdelmoula waxaa uu sheegay in sanadkii tagay uu booqday afar caasimad oo Yurub ah iyo Washington DC si uu Soomaaliya wax ugu qabto gaar ahaan abaaraha, COVID 19 iyo Ayaxa.

Soomaaliya oo ah dal dhibaatooyin badan ka jiraan ayaa waxaa hareeyey abaar ba’an iyada oo aaney 3 sano di’in wax roobab ah. Ilaa 4.5 million oo dad ah oo u dhiganta 30%  ayey abaaraha saameeyeen

Barakaca Abaaraha ayaa waxaa Soomaaliya uga sii horreeyey barakac ka dhashay dagaaladdii mudadada 20-ka Sano ah ka socday dalkaan dhaco Geeska Africa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More