Puntland oo ku eedeysay Gobaladda Waqooyi inay duullaan ciidan kusoo qaadday magaalada Boocame

Khamiis, Agoosto, 4, 2022 (AX) – Puntland ayaa ku eedeysay Gobaladda Waqooyi inay duullaan ciidan ku sooo qaadday magaalada Boocame ee gobolka Sool, iyagoo watay 45 tigniko ah, oo galbinayay guddoomiyaha gobolka Sool ee Gobaladda Waqooyi iyo saraakiil ciidan oo ka yimid magaalada Laascaanood.Wasiirka duulista hawada Puntland, Ilyaas Cusmaan Lugatoor oo haatan ku sugan magaalada Boocame ayaa sheegay, in dadka deegaanku ay ka horyimaadeen sida uu sheegay, soo gelitaanka gaadiidka dagaalka Gobaladda Waqooyi. Wuxuu sheegay inay saacad kaliya wefdiga Gobaladda Waqooyi ku sugnaayeen Boocame. kadibna ay ku laabteen Laascaanood.

“Waxaa nasiib darro ah in maamulka Gobaladda Waqooyi xilligan adag ee abaaraha iyo sixir bararku dadku la daaladhacayaan ay duullaan soo qaadaan,”ayuu yiri wasiir Lugatoor.

Wasiirka duuliska Puntland wuxuu sheegay imaatinka Gobaladda Waqooyi ee magaalada Boocame inuu salka ku hayo, in la carqaladeeyo dadaalada nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay deegaanka Saax-maygaag.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Muuse Biixi uu doonayo in arrimaha doorashada uu ka jeediyo reer Somalilad, kuna mashquuliyo abuuridda colaad dhexmarta labada maamul ee deriska ah, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, war laga sii daayay warbaahinta ku hadasha afka Gobaladda Waqooyi ayaa lagu sheegay inay ciidamada Gobaladda Waqooyi gaareen xuduuda ugu dambaysa Gobaladda Waqooyi oo ay ku tilmaameen inay tahay Koonfur-Bari Sool.

Gobaladda Waqooyi ayaa horey sannadkii 2018 xoog ugu qabsatay degmada Tukaraq ee gobolka Sool, taasoo wax ka yar 100km u jirta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee Gobaladda Waqooyi ay ka billowday gobolka Sool, ayaa kusoo aaday, xilli Puntland muddooyinkii ugu dambeeyay ay ciidamo badan oo lasoo tababaray gaysay magaalada Buuhoodle, halkaas oo maamulku uu saameyn xooggan ku yeeshay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More