Pompeo oo waxqabad ka raadinaya Suudaan kahor doorashada madaxtinimada Mareykanka!

Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Mike Pompeo oo la taagan yahay Jeneral Abdel-Fattah Burhan, oo ah madaxa golaha talada haya, Khartuum, Sudan, Talaadada, Agoosto 25, 2020.

Iyadoo todobaadyo ay ka harsantahay doorashada madaxtinimada Mareykanka, Xoghayaha Arimaha Dibada Mareykanka Mike Pompeo wuxuu u tartamayaa inuu la gaaro Suudaan horumar uu rajeynayo in ay sidoo kale ka faa’iideysan karto Israel.

Dowladda cusub ee Suudaan hogaamineyso ee rayidka ah waxay si deg deg ah u dooneysaa in laga saaro liiska madow ee Mareykanka ee “dowladaha taageera argagixisada”, waxaana Washington u aragtaa in ay u furan tahay in ay noqoto dowladdii ugu dambeysay ee Carbeed ee aqoonsata Israel – taas oo sabab weyn u ah saldhigga doorashada ee madaxweyne Donald Trump.

“Mareykanka wuxuu heystaa fursad hal jiil ah oo uu ku hubiyo in ugu dambeyn magdhaw la siiyo dhibanayaashii weeraradii argagixiso ee Al-Qaacida ay taageertay 1998-dii ee lagu qaaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania,” Pompeo ayaa warqad ugu qoray senatarada. taas waxaa xaqiijiyey ilo ka tirsan koongareeska, wakaaladda wararka ee AFP ayaa werisay Arbacadii.

“Waxaan sidoo kale aan taageerno dawlada ku meel gaarka ah ee ay hogaamiso rayidka Suudaan taas oo aakhirkii ka takhalustay xukunkii kali talisnimadii islaamiga ahayd ee hore u hogaamisay dalkaas. ”

Suudaan waa mid ka mid ah afarta wadan ee Mareykanku ku daray liiska “kaalmada maalgashiga argagixisada”, taasoo si weyn u xanibaysa maalgashiga iyadoo ganacsatadu ay ka walwalayaan qatarta sharci ee ay kula macaamilaan dalka.

Magacaabistu waxa ay dib u bilaabatay 1993-kii markaas oo Cumar Al-Bashiir oo xoog badan uu soo dhoweeyay dagaalyahanno hubeysan, oo uu ku jiro Osama bin Laden, aasaasihii al-Qaacida, oo fuliyay weeraradii safaaradda ee galaaftay in ka badan 200 oo qof.

Washington waxay si tartiib tartiib ah ula heshiinaysay al-Bashir, oo ogolaaday madaxbanaanida Koonfurta Suudaan oo u badan Masiixiyiin.

Laakiin Suudaan ayaa isbadal lagu sameeyay sanadkii hore markii Al-Bashiir xukunka laga tuuray kadib mowjado banaanbaxyo ay hogaaminayeen dhalinyaro. Abdalla Hamdok oo ah dhaqaaleyahan wax ku soo bartay Ingiriiska ayaa noqday ra’iisul wasaaraha cusub oo loo xilsaaray dib-u-habeyn nidaam ku meel gaadh ah oo milatariga ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More