Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Baladweyne

Jimco, May, 27, 2022 (HOL) – Kooxa hubeeysan ayaa caawa magaalada Baladweyne ku dilay Nabadoon Cali Macalin Maxamuud (Cali dheere) oo kamid ahaa Waxgaradka aadka looga yaqiinay magaalada Baladweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Marxuumka ayaa kamid ahaa Nabadoonadii soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaan Cabdullaahi Sambalooshe doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Baladweyne.

Lama oga cidda ka dambeysa dilkiisa, inkastoo Alshabaab ay bartilmeemeed u yihiin qof kasta oo ka qeyb qaata doorashada Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More