Muxuu ka yirii Axmed Madoobe doorashadii Kismaayo

Kismaayo (Axadle) – Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Senator-da ka imaanaya Jubbaland ee Aqalka Sare, oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in dalka u jiheystay doorasho.

Axmed Madoobe ayaa doorashada Afarta Senator ee ka dhacday Kismaayo ku tilmaamay “Guul weyn oo taariikhi ah”, kadib muddo badan oo khilaaf ka taagna doorashooyinka dalka.

“Alle weyne ayaa mahad leh. Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saabsanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Afarta Senator ee kusoo baxay doorashadii maanta, isagoona uga mahad-celiyay dhamaan guddiyada doorashooyinka, guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland kaalinta ay ku lahaayeen qabsoomida doorashooyinka dalka.

“Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.”

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland in doorashada maanta ka dhacday Kismaayo ay ka dhigan tahay mid xaqiijinaysa in dalka uu doorasho aaday, kadib heshiiskii ay madaxdu ku gaareen Muqdisho.

“Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More