Muxuu ka yiri Xasan Sheekh doorashadii Kismaayo

Muqdisho (Axadle) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Afar kamid ah Senator-da ay Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, isagoona ugu baaqay dowlad goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii si weyn u bogaadiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa, maadama ay noqdeen dowlad goboleedkii u horeeyay ee billaabay hirgelinta doorashada 2021-ka.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa in dalka ka billaabatay doorashadii 2021-ka. Waxaa u hambalyeynayaa oo bogaadinayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo runtii ku dhiiraday oo billaabay doorashadii muddada dheer soo jiitameysay, waxaa leeyahay madaxweyne hambalyo waxaa billowday wixii aheyd in la billaabo, dhowr maalmood dib u dhac ha ku jiro laakiin waa billowday,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Senator-dii maanta kusoo baxay doorashadaas, isagoona qabsoomida doorashada ku bogaadiyey guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo xildhibaanada maamulkaas.

“Waxaa u hambalyeynayaa Senator-da Afarta ah ee maanta la doortay, waxaa leeyahay dhamaantiin hambalyo waxaa tihiin Senator Soomaaliyeed, xilka iyo mas’uuliyada la idiin doortayna Ilaahay ha idiin fududeydiyo. Waxaa rajeynayaa in afarta sano ee soo socoto aad u gaari doontaan go’aamo dhaxal-gal ah.”

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dowlad goboleedyada kale ee dalka ugu baaqay inay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saaran dar-dar gelinta howlaha horyaala.

“Dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada waxa uu mugdi gelinayaa sharciyadda hay’adaheena dastuuriga.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More