Musharax Cirro: 13 November hadii aan doorasho qabsoomin kursigu wuu inoo simanyahay

Axad, Luulyo, 24, 2022 (AX) – Kadib burburka ku yimid wadahadaladii mucaaradka iyo xukuumada Gobaladda Waqooyi xisbiga Waddani, ayaa ku dhawaaqay in uu dib u bilaabayo mudaharaadadii, ay ku dalbanayeen qabashada doorashada madaxtooyada.Musharaxa Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta la hadlay, ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan bannaanbaxyo nabadeed.

“Waxan ugu baaqayaa taageerayaasha xisbiyada mucaaradka in ay si balaadhan oo qorshaysan ugu diyaargaroobaan in dib loo bilaabi doono bannaanbaxyadii nabadeed” ayuu yiri musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa uu ku hanjabay in mucaaradku ay aqoonsiga kala noqon doonaan madaxweyne Biixi hadii doorashadu dib u dhacdo “Marka la gaadho 13 November hadii aan dooraaho qabsoomin kursigu wuu inoo simanyahay”.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu ka baxay balamihii uu horay u qaaday oo ay ugu muhiimsanaayeen in uu doorashada wakhtigeeda ku qaban doono, iyo in uu dhagaysan doono talada waxgaradka, waxaanu sheegay in dhinacoodu sameeyeen waxkasta oo ay u arkayeen in khilaafka lagu dhamayn karo.

Waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaradka ahi ay yihiin cida masuuliyada koobaad ka saarantahay la xisaabtanka xukuumada iyo badbaadinta siyaasada, waxa uu tilmaamay in ay gudanayaan waajib akhlaaqi ah oo xisbiyadu shacabka kaga wakiil yihiin.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More