Midowga Yurub oo war kasoo saaray weerar ay biyaha

Muqdisho (Axadle) – Howl-galka Midowga Yurub ee la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa shaaciyey in markab kusoo wajahnaa dekedda Muqdisho uu si diriq kaga bad-baaday weerar maamlo ka hor ku qaadeen burcadbadeed Soomaali ah.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa warbixin kasoo baxday ururka lagu sheegay inay fuliyeen 4 nin oo watay doon kuwa dheereeya ah, balse uu fashilmay weerarkaas.

Qoraalka ka soo baxay EU NavFor ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in raggan ay damacsanaayeen inay qafaashaan markabka, si ay uga helaan madax-furasho, balse ay si deg deg ah gurmadeen ciidankooda la dagaalanka burcadbadeeda ee biyaha Soomaaliya.

“Weerarkaas waxaa fuliyay afar ruux oo la socday doon yar oo ah kuwa dheereeya, waxa ay weerareen markabka oo ay damacsanayeen in ay qafaashaan si ay uga helaan Madax-furasho balse gurmad degdeg ah ayaa gaaray oo ka socda howlgalka EU NavFor, ”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay howl-galka Ururka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcadbadeeda.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac, balse burcadbadeeda ay ku guul darreysatay inay gacanta ku dhigaan markabkaasi.

Ugu dambeyn Ururka Midowga Yurub ayaa xusay in markabkan oo ahaa mid ganacsi uu si nabad ah ku soo gaaray dekedda weyn ee Caasimadda Muqdisho.

“Kaddib markii weerar iyo iska caabbin is dhaafsadeen Ilaalada Markabka iyo Burcadda oo ugu yaraan muddo saac dagaalamay, Burcaddu way ku guuldareysatay in ay gacanta ku dhigto, si nabadgalyo ah ayuu Markabka ku gaaray Dekedda Muqdisho” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka kaso baxay howlgalka EU NavFor.

Weerarkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo ay sanadihii dambe aad u yaraadeen weeraradii joogtada ahaa ee ay kooxaha burcadbadeeda ka geysan jirin biya Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan, kadib markii uu Midowga Yurub sii kordhiyey howl-galkiisa xeebaha Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More