MD Farmaajo oo QM la wadaagay Amniga, Siyaasadda, Covid-19 & Xaaladda Dalka.

Madaxweynaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Khudbad uu ka jeediyay Meertada 75-aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya sida Doorashada, Cudurka Covid-19, Ammaanka, Siyaasadda, Midnimada, Wadajirka iyo qodobo kale.

Ugu horeyn waxa uu ka warbixiyay howlaha Amniga, Siyaasadda, kahortagga Covid-19 iyo caqabadaha dhaqaale ee uu sababay xannuunka Coronavirus sida uu khudbaddiisa ku dul istaagay Madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay in cudurka uusan gareyn dadka dhaqaalaha wanaagsan iyo kuwa xaaladda nololeed ee liitada ku sugan, balse cudurka uu yahay mid safmar ah oo guud ahaan Caalamka gaaray.

“Inkastoo cudurka safmarka ee Karoonaha uu caqabad ahaa, haddana waxaan ku howlannahay ka shaqaynta hannaan doorasho loo dhanyahay, taas oo dadka Soomaaliyeed ay kaga go’aan gaari karaan mustaqbalkooda. Waxaa naga go’an in aan meelmarinno oo aan xoojino dhaqanka dimuqraadiga ah” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhibaatooyinka muuqda ee xannuunka laga dhaxlay waxa uu ku tilmaamay in shaqo la’aan, dhaqaale xumo ba’an oo xannuun badan iyo Culeys kale oo uusan u dulqaadan Karin waddan kasoo kabanaya caqabado daba-dheeraaday.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay qorshaha Dowladda ee hirgelinta doorasho hufan oo sii xoojinaysa dimuqraadiyadda iyo daahfurnaanta siyaasadeed ee dalka, waxa uuna tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ku tilmaaman yihiin isu tanaasul iyo is-qancin oo fure u ah xasilloonida siyaasadeed, midnimada iyo wadajirka.

Dhammaan dhinacyada deynta ku leh Soomaaliya waxa uu cod dheer uga dalbaday in ay u dhaafaan oo ay u cafiyaan Dalka duyuunta ay ku leeyihiin, maadaama wado wanaagsan oo soo kabasho dhaqaalaha & Amni lagu dabajiro.

Dhanka Amniga oo qaybta labaad ka dhigay hadal jeedintiisa waxa uu kusoo hadal qaaday la dagaalanka waxa uu ugu yeeray Argagixiso, wadajir iyo iskaashi caalami ah ayuu sal uga dhigay in lagu soo afjari karo colaadaha.

“Soomaaliya waxa ay ka shaqeyneysaa lana shaqeysanaysaa Qaramada Midoobay, sidii Axadle wanaagsan loogu abuuri lahaa Soomaaliya iyo adduunka intiisa kale, Waxa aan kaalin hormuud ah ka qaadaneynaa in dadkeena gaaraan horumar, innaga oo wadashaqeyn la yeelanaya bah-wadaagta caalamka, si aan u dhisno Soomaaliya Dimuqraadi ah oo dhaqaale wanaagsan leh” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Ugu danbeyntii, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Hoggaamiyeyaasha dalalka caalamka kula dardaarmay in mudnaanta la siiyo xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee ku aaddan caqabadaha iyo dhibaato wadareedka ka taagan dunida, si looga faa’iideysto fursad kasta oo lagu gaari karo duni nabdoon, horumarsan oo barwaaqana ah.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More