Maxay ka wada-hadleen guddiga doorashada heer federaal & kan…

Muqdisho (Axadle) – Guddiga doorashooyinka heer federaalka iyo midka Jubbaland u qaabilsan arrimaha doorashada ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta, kaas oo looga wada-hadlay qabsoomida doorashooyinka.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro), kaas oo shalay Jabbaland gaaray, una tegay arrimaha doorashooyinka gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Labada guddi ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen, si markaasi ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Sidoo kale labada dhinac ayaa isku af-gartay in si deg deg ah loo hirgeliyo doorashada, gaar ahaan kuraasta taalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Doorashada ugu horreyso ee la qabanayo ayaa ah tan Golaha Aqalka Sare, waxaana guddiga doorashada Jubbaland uu shaaciyey in la diyaariyey goobtii lagu qaban lahaa.

“Xubnaha guddiga federaalka ka socda iyo guddiga  Jubbaland waxa ay isla garteen in la hirgeliyo qabsoomidda doorashooyinka labada gole ee BFS waxaana howsha koowaad laga qabanayaa doorashada Aqalka sare” ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga Jubbaland.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in kaliya haatan ay harsan tahay in lagu dhaqaaqo doorashada sideeda kursi ee Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Jubbaland.

Si kastaba dib u dhac ayaa ku yimid qabashada doorasha golahan oo horey loogu asteeyey 25-ka bishan oo shalay ku beegneyd, waxaase socda qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo xulista Senatorada cusub ee baarlamaanka waxaana ku xiga mida Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More