Maxay ka wada-hadlayaan Rooble iyo dhiggiisa UK? – Caasimada…

London (Axadle) – Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu ayAa faah faahin ka bixiyey safarka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee London wuxuuna sheegay inuu ka qeyb-galayo shir looga hadlayo tayada waxbarashada Caruurta.

Macalimuu ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Rooble uu la kulmi doono dhiggiisa UK Boris Johnson iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda dalkaasi, Mr Dominic Raab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka wada-hadli doonaan arrimaha doorashooyinka dalka iyo dadaallada ay wado xukuumadda Rooble ee ku aadan hirgelinta doorashooyinka.

“Muddada kooban ee uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku sugan yahay London waxa uu la kulmayaa Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson & Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas Dominic Raab oo ay kawada hadlayaan arrimaha doorashooyinka dalka,” ayuu yiri.

Waxa kale oo kulankan lagu soo qaadi doonaa taageerada ay dowladda UK siiso Soomaaliya iyo arrimo kale oo ku aadan xiriirka labada wadan.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada London wuxuu kulan duceedyo la qaadan doonaa madaxda ka soo qeyb-geleysa shirka ku saabsan sare u qaadista tayada waxbarashada caruurta ee ku dhaqan guud ahaan dunida.

Socdaalka Rooble ee London ayaa noqonayaa kiisii saddexaad ee ugu baxay dalka dibaddiisa, tan iyo markii loo magacaabay xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Si kastaba, safarkan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, dalkana uu ku jiro marxalad doorasho, isla-markaana uu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyey ee doorashooyinka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More