Maxaa ka jira warqadda la sheegay in danjire Baale uu ka qor…

0

Muqdisho (Axadle) – Danjiraha dowladda federaalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey, Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baale) ayaa si adag u beeniyay inuu qoray warqad lagu daabacay baraha bulshada oo canaan iyo digniin loogu jeediyay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Xoghayaha koowaad ee Ergada Joogtada ee Qaramada Midoobay.

Qoraalka uu beeniyay Danjire Baale oo si weyn loogu faafiyey baraha bulshada ayaa waxaa ku qornaa “hadalo gef ku ah” shaqada iyo shaqsiyada Wiilkii uu dhalay marxuum Yariisoow, ayada oo lagu sheegay in Maxamed uu ka hor-yimid jiheynta Baale.

“Dabeecadaada waxay si taban u waxyeeleysay waxqabadka shaqsiyadaada iyo wada-shaqeynta kooxeed mudadii koobneyd ee joogtay howl-galka, waxaan ka niyad jabay howshaada, waxaad caadi ahaan dhaqankaaga iska indho tirtaa tilmaamahayga,” ayaa lagu yiri qoraalka uu beeniyay Danjire Baale.

Danjiraha ayaa iska fogeeyay waraaqda loogu gefay Maxamed Cabdiraxmaan Cumar, isagoona sheegay in laga been abuurtay saxiixa ku yaala waraaqdaas oo toddobaadyadii u dambeeyay si weyn loogu baahiyey baraha bulshada.

“Warqadaan waxaa ku arkay Social Media, saxiixa ku yaala meesha ma dhihi karo waa keyga, dad baa sameeyay, wuxuu u eegyahay saxiix meesha lagu dhajiyey oo lasoo gooyay, waana beeninayaa warqadaan,” ayuu yiri.

“Xiriirkeena (Maxamed Cabdiraxmaan Cumar) aad ayuu u fiican yahay, waa wada-shaqeynayna, waana nin caqli badan, markaa waxaa rajeynayaa in uu noqdo Diblumaasi fiican.”

Maxamed Cabdiraxmaan Cumar oo ah Wiilka duqii hore ee Muqdisho ee la khaarajiyey marxuum Eng. Yariisoow AUN, ayaa waxa jagada uu hadda hayo loo magacaabay 4 November 2019-kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More