Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb-galay aaskii loo sameeyay Guddoomiyiihii Ahlusunna Waljameeca.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb-galay aas balaaran oo degmada Guri-ceel ee gobollka Galguduud loogu sameeyay guddoomiyihii gollaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Maxaed Yuusuf Xeefoow oo maalintii shalay Muqdisho ku geeriyooday.

Xubno ka tirsan xukuumada Soomaaliya oo uu horkacayay wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya Cabdikariin Xusseen Guulleed iyo mas’uuliyiin kale oo isaga kala timid deegaannada gobollada dhexe ayaa ka qeyb-galay aaska Sheekh Xeefow.

Cabdikariin Xusseen Guulleed wasiirrka arrimaha gudaha oo hadllay aaska kadib, waxaa uu sheegay in marxuum-ka dhintay uu ahaa muwaadin ama shaqsi door weyn ka qaatay hormarinta nabada.

Guulleed ayaa sheegay in Sheekh Xeefow uu ku guulaystay in Al Shabaab laga saaro inta badan Bartamaha Soomaaliya.

Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ka hadlay geerida Marxuum ayaa sheegay in Ahlusunna uu ka baxay in hoggaamiye qaali ahaa oo guulo badan ka gaaray la dagaalanka Al Shabaab ee bartamaha Soomaaliya.

Macalin Maxamuud ayaa sheegay in aysan isdhiibi doonin Ahlusunna hadii Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow uu dhintay, hayeeshee ay halkii ha siiwadayaan dagaalka sanadaha qaatay ee ay kula jiraan Xarakada Al Shabaab.

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow oo maalintii shalay ku geeriyooday isbitaalka Xalane ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho ayaa la sheegay in uu qabay cudurka Sonkorta oo si lama filaan ah ugu soo booday.

Xubno ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in Sheekh Xeefoow sokorto ku kacday ka dib markii khilaaf soo kala dhexgalay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo mudooyinkii dambe ku sugnaa degmooyinka Dhuusamareeb, Guriceel iyo Caawduwaaq ku waas oo dhamaantood ay gacanta ku hayaan Ahlusunna Waljamaaca.

Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyaha gollaha fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Augusto 2011, kadib markii guddi ka kooban 32 xubnood ay ku doorteen kulan ka dhacay degmada Caabud-waaq ee gobollka Galguduud.AxadleTM, Guriceel-Galgaduud-Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More