Maraykanka oo sheegay inuu duqayn ku dilay afar xubnood oo katirsan Alshabaab

Arbaco, Ogosto, 10, 2022 (AX) – Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay inuu saddex weerar oo xagga cirka ah ku qaaday kooxda Al-Shabaab, isagoo kaga jawaabayay weerar Alshabaab ay ku qaadeen ciidamo katirsan kuwa xoogga dalka oo ku sugnaa meel u dhow magaalada Beledweyne.Faahfaahin hordhaca ah oo kasoo baxay weerarkan, ayuu taliska Maraykanka ee Afrika, ku sheegay in duqaynta lagu dilay afar ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab, isla markaana uusan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqaynta.

Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada xukumadda federalka Soomaaliya, kadib markii wax laga beddelay siyaasada duqaymaha Maraykanka, iyadoo daba socotay ka gadaal markii hay’addaha xuquuqul insaanku dood ka keeneen khasaaraha rayidka.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday tallaabooyin looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah sida uu sheegay taliska AFRICOM.

Mareykanka waxa uu sheegay inay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago weerarada dhimashada badan ee Alshabaab ay geystaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More