Maraykanka oo baaq u diray xukuumada iyo mucaaradka Gobaladda Waqooyi

Khamiis, Ogosto, 11, 2022 (AX) – Dowlada Maraykanka ayaa xukuumada iyo madaxda mucaaradka Gobaladda Waqooyi ugu baaqday in ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada.Qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dowlada Maraykanku mucaaradka iyo muxaafadka Gobaladda Waqooyi usoo jeedinayso in ay ka fogaadaan qaska siyaasadeed oo ay kusoo laabtaan miiska wadahadalada.

“Waxaanu ku boorinaynaa xisbiga talada haya iyo hogaamiyayaasha mucaaradka Gobaladda Waqooyi in ay ka fogaadaan qaska inta mudaharaadyadu socdaan, ayna si deg deg ah ugu soo noqdaan wadahadaladii siyaasadeed” ayaa lagu yiri qoraalka safaarada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in khilaafku uu khatar galinayo nidaamka dimuquraadiga ah ee Gobaladda Waqooyi “Guuldarada keen tay in laga heshiin waayo khilaafka doorashooyinka waxay khatargalinaysa guulaha Gobaladda Waqooyi ee ah in ay tahay dowlad dimuquraadi ah”.

Rabshado ka dhashay mudaharaado ay mucaaradka Gobaladda Waqooyi saaka ka dhigeen magaalooyinka waa wayn ee Somalilad, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac tiro badan.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More