Madaxweyne Xasan Sheikh oo Soomaaliya taageero uga raadinaya ku biirista urur goboleedka EAC

Khamiis, Luulyo, 21, 2022 (AX) – Hogaamiyaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta ku wajahan dalka Tanzania, ayaa taageero ugu raadinayo in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay Bulshada Bariga Afrika (EAC).Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa kamid ah madax caalami ah oo lagu casuumay shirweynaha 22aad ee bulshada Bariga Afrika, kaasoo looga hadlayo helitaanka suuq ganacsi oo qeyb ka ah iskaashiga horumarka dhaqaalaha EAC.

EAC waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, iyada oo ay ku mideysan yihiin toddobo (7) dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha Gobolka.

Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladdani sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo Bilyan oo Doolarka Maraykanka ah.

Wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalkan oo lagu qiyaaso 312 oo Malyan, waxay leeyihiin hal Baasaboor oo guud ahaan mideeya.

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More