Madaxweyne Tunisia Kais Saied oo kala diray baarlamaanka dalkiisa

Tunisia (Axadle) – Madaxweynaha dalka Tunisia Kais Saied ayaa qaaday tallaabo lama filaan ah, wuxuuna kala diray baarlamaanka dalkiisa, isaga oo shaqadiina ka cerriyey ra’iisul wasaarihiisa Hichem Mechichi, sidoo kalena casilay golaha xukuumadda.

Kais Saied ayaa shaaca ka qaaday inuu la wareegayo talada dalka, isla-markaana uu soo magacaabayo ra’iisul wasaare cusub oo gacan ka siiya xaaladda adag ee Tunisia.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu damacsan yahay inuu dejiyo qorshe ballaaran oo wax looga qabanayo xaaladda dalka, is dib loogu soo celiyo xasiloonida iyo kala dambeynta.

“Waxaan qaadanay go’aannadan , illaa inta nabadda ay ku soo noqoneyso Tuunisia iyo in aan badbaadinno dowladda,” ayuu ku yir Mr Saied kkhudbad uu ka jeediyey telefishanka.

Arrintan ayaa timid, kadib markii dibad-baxyo waa weyn ay ka dhaceen dalka Tunisia, kuwaas oo looga soo horjeeday saameynta ballaaran ee ka dhalatay cudurka Covid-19 oo saameeyey dhaqaalaha dalkaasi.

Dadka Tunisia ayaa sidoo kale dalbanaya inay dhacdo dowladda, maadaama ay ku fashilantay wax ka qabashada xaaladaha adag ee haatan ka jira dalkaasi.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Tunisia Raashid Ganushi ayaa ka horyimid go’aanka madaxweynaha, wuxuuna tilmaamay inuu qaaday tallaabo u muuqdo inqilaab, isaga oo shaaca ka qaaday inuu xilka sii heyn doono, baarlamaankana uu shaqeynayo.

Si kastaba go’aanka madaxweynaha dalka Tunisia ayaa noqday mid lama filaan ah oo ‘lala yaabay’ kadib markii uu kala diray baarlamaanka, uuna ceyriyey ra’iisul wasaarihiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More