Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay in la fasaxay taageeradii iyo adeegyadii horumarineed ee ka xayirnaa gobolka Gedo
Sabti, May, 21, 2022 (AX) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa si faahfaahsan uga hadlay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay oo uu sheegay inuu soo dhaweynayo, isagoona xusay in mudo la sugaayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.