Macalin Dugsi Quraan iyo Ganacsade Caan ahaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho

Macalin Dugsi Quraan iyo Ganacsade Caan ahaa oo siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada Muqdisho

Jimco, Luulyo, 15, 2022 (AX) – Kooxo la sheegay iney ahaayeen burcad ayaa Xalay degmooyinka
Kaaraan iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir waxay ku kala dileen Macalin Dugsi
Quraan iyo  Ganacsade caan ahaa.

Macalinka dugsi Quraanka ayaa lagu dilay degmada Kaaraan ee
gobolka Baanadir ayaa lagu magacaabi jiray Nuur Maxamed Jimcaale, kaasoo la
sheegay inuu Kitaabo ka aqrin jiray Masjid ku yaala Waaxda Nageeye ee degmada
Kaaraan, waxaana burcada ay u dishay sida la sheegay taleefoonkiisii gacanta uu
ku sitay oo ay ka qaateen.

Burcada dishay Macalin Nuur Maxamed ayaa dadka deegaanka
tilmaameen iney ku hubeysnayeen qoryaha AK47, kuwaas oo dilka Macalinka kadib
si deg deg ah uga baxsaday goobta.

Waxaa sidoo kale Xalay xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid
ee gobolka Banaadir lagu dilay ganacsade caan ka ahaa Muqdisho oo lagu
magacaabi jiray Sheekh Salaad Ciise.

Lama oga cida ka dambeysay dilka ganacsadaha waxaana la
sheegay in dilkiisa ay geysteen rag dhalinyaro ah oo bastoolado ku hubeysnaa,
kuwaas oo dilka kadib si deg deg ah goobta uga baxsaday.

Dilalkaan ayaa kusoo beegmaya xili maalmahii dambe uu sii
xumaanayay amaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya oo ay si weyn
ugu soo kordhayeen burcada hubeysan ee dhaca iyo dilalka u geysta dadka
shacabka ah ee ku nool gudaha Muqdisho.

Abdiwahab Ahmed, Axadle


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More