Lafta gareen & Deni oo ku heshiiyay Amniga, Iskaashiga & Is

Madaxweynaha DG Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa labadii cishe ee lasoo dhaafay Magaalada Baydhabo u joogay wada-xaajood gaar ah oo uu la qaatay dhiggiisa Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen.

Munaabad lagu soo sagootinayay oo xalay ka dhacday Magaalada Baydhabo waxa ay ku kala saxiixdeen heshiisyo labada maamul Goboleed ay wada gaareen, kadib wada-xaajodkii dhexmaray.

 

DG Puntland iyo Koonfur Galbeed ayaa ku heshiiyay Horumarinta, Iskaashiga, Amniga, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulsho iyo Dowlad dhiska, iyada oo labada dhinac is dhaafsanaya waaya-aragnimada iyo taageerada Siyaasadeed.

Lafta gareen ayaa tilmaamay in xoojinta xiriirka labada dhinac uu horseedi karo iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo is dhexgalka labada Bulsho ee ku kala nool labadaan DG ee aan Soohdinta wadaagin.

“Heshiiskaan waxa uu daba socdaa wada-xaajoodka siyaasadeed ee soo jiraanka ahaa, Dadka kasoo jeeda Koofur Galbeed ee ku sugan Puntland waxa ay ku nool yihiin nolol wanaagsan, aniga ayaa la kulmay oo aan weydiiyay, waxaana ay ii sheegeen mar aan Garoowe kula kulmay in ay shaqeystaan oo aysan jirin dhibaatooyin ay la kulmaan” ayuu yiri Madaxweyne Lafta gareen.

Lafta gareen Waxa uu dadka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, si looga gudbo cabashooyinka dadka kasoo jeeda Deegaannada Koofur Galbeed oo loo gooni yeelo falalkaas.

“Dadka Koofur Galbeed kasoo jeeda ee ku sugan Puntland waala soo dhaweeyay, balse waa in aysan u qarin dadka katirsan Al-Shabaab ee dhibaatada u geysanaya, aniga oo joogo Garoowe nin aan adeer u ahay oo Shabaab ah ayaa la ii sheegay in uu ku xiran yahay Boosaaso, waxa ay dadka ii sheegay rabaan in aan u dacwoodo, balse waxa aan ku dhahay maxaan u daba soconaa haddiiba uu Al-Shabaab yahay” ayuu sii raaciyay Madaxweynaha DG KGS.

Siciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha DG Puntland ayaa sheegay in 5-sano kadib, Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG ah KGS isbadal muuqda ka jiro, waxyaabaha dhaliyay arrintaas ayuu ku tilmaamay maamulka oo si dhab ah u shaqo galay.

“Goobaha ugu badan ee Ganacsi DG Puntland waxaa leh dad kasoo jeeda Koofur Galbeed, waa qayb kamid ah is dhexgalka Bulshada, sidaas awgeed waa in wadajir la iskula shaqeeyo oo aan la isku xadgudbin si Soomaalinimo loo wada noolaado” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More