Laba cashar oo muhiim ah oo aan ka baranay doorashadii Aqalk…

Muqdisho (Axadle) – Doorashada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga billaabatay magaalada Kismaayo oo lagu doortay afartii senator ee ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, ayada oo Jubaland ay noqotay maamulkii ugu horreyey ee meesha ka saaray shaki kasta oo ku saabsan in dalka ay doorsho ka dhici weyso.

Doorashada Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftin Xasan Baasto, Ilyaas Bedel Gaboose iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, ayaa wax badan ka tusmeyneysa awoodda madaxweyne goboleedyada iyo saameynta musharaxiinta madaxweyne.

Ha la dagaalin madaxweyne goboleedkaaga

Casharka ugu koowaad ee aan doorashada ka baran ayaa ah in haddii aad tahay xubin ka tirsan Aqalka Sare, oo aad dooneyso in dib laguu soo doorto, aysan kuu furneyn waddo aad kula dagaasho madaxweyne goboleedka deegaan doorashadaada.

Laba ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee waqtigoodu dhammaaday ayaa kuraastaada ku waayey dagaal ay la galeen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo inay la safteen Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa waayey kuraastooda kadib markii laga saaray liiskii uu 27-kii bishan soo gudbiyey Axmed Madoobe.

Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow ayaa waxaa kuraastooda u tartamay mudaneyaal cusub.

Kursiga uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Xaashi Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.

Axmed Xaashi Maxamuud ayaa xiligii uu taagnaa khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland la saftay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo si weyn ay isku hayeen Axmed Madoobe, taasi oo keentay inuu daaqadda ka baxo.

Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow), waxaana kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.

Faadumo ayaa ka mid aheyd xubnihii sida weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo ee dagaalka la galay Axmed Madoobe, taasi oo ay heshay natiijadeeda.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka, in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa, marka laga reebo kuraasta Gobaladda Waqooyi, oo ayagu soo xulaan odayaasha dhaqanka.

Sidaas darteed, senator kasta oo rajo ka leh in dib loo soo doorto, ama siyaasi kasta oo kursi Aqalka Sare ah raadinaya, ma lahan ikhtiyaar ay kaga horyimaadaan madaxweyne goboleedka deegaan doorashadooda.

Saameynta musharaxiinta madaxweyne

Casharka labaad ee aan ka baranay doorashadii Aqalka Sare ee Kismaayo ayaa ah, inay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda.

Inkasta oo ay tartameen xubno raadinaya inay noqdaan Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya.

Laba ka mid ah Senetarrada oo kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xubno firfircoon ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyneihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha 2021.

Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jubada Hoose, ayaa sidoo kale lagu warramay inay saaxiib dhow yihiin madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale xog ay heshay Axadle ayaa xaqiijineysa Cabbdirisaaq Maxamed Cusmaan uusan aragti ahaa ka fogeyn xisbiga UPD.

Arrintan ayaa ka dhiggan in xubnaha Afarta ah ee shalay soo baxay ay aasaas u yihiin codadka uu Xasan Sheekh ku tashanayo doorashada la qorsheeyay October, inkasta oo afar cod aysan waxba goyn, oo boqolaal cod ay tahay inuu diyaarsado Xasan Sheekh.

Qeybta hore ee tartanka doorashada u dhaxeysa musharraxiinta miisaanka culus ayaa waxaa lagu kala garan doonaa soo awoodda soo saarista xildhibaannada labada aqal ee ka tirsan taageerayaashooda, halka musharraxiinta aan rajada badan lahayn ay sugi doonaan xodxodashada xildhibaannada soo baxa, taa oo aan u muuqan in ay wax ka baddaleyso miisaanka doorashada.

Doorashada Kismaayo ka dhacday ayaa sidoo kale muujineysa sida ay isugu dhow yihiin Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha Jubaland uu ugu abaal-gudayo madaxweynihii hore ee dalka, dagaalkii uu u galay markii uu cadaadiska xooggan kala kulmayey Villa Somalia.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More