Koox hubeysan oo weerar iyo Qaraxyo wada socda ku qaaday hotel Hayaat ee Muqdisho

Koox hubeysan oo weerar iyo Qaraxyo wada socda ku qaaday hotel Hayaat ee Muqdisho

Jimco, Agoosto, 19, 2022 (AX) – Koox hubeysan ayaa weerar iyo Qaraxyo wada socda ku qaadday
hotel Hayaat ee magaalada Muqdisho, iyadoo haatan rasaas xooggan ay ka socoto
gudaha Hotelka.

Kooxa weerartay ayaa la sheegay inay gudaha u gashay
hotelka, kadib markii ay ku weerareen afar qarax iyo rasaas toos ah, waxaana
hadda goobta gaaray ciidamada sida gaarka u tababaran ee Haramcad.

Hotelka la wareeraray ee Alxayaat oo kuyaalla agagaarka
Isgoyska Mashquulka badan ee KM4 ayaa waxa ku yaal hotelo iyo xarumo ganacsiga.

Lama oga weli khasaaraha ka dhashay weerarkaan, inkastoo
xogaha aan helayno ay sheegayaan in dad badan oo shacab ahaa oo guryahooda u
hoyanayay uu khasaare dhimasho iyo dhaawac leh kasoo gaaray.

Sidoo kale, dhimashada askar dhowr ah iyo ilaalada hotelka
Alxayaat ayaa lasoo warinayaa. Waxaase adag in macluumaad dheeraad ah laga helo
weerarkan.

Weerarada nuucaan oo kale ah Muqdisho kama dhicin
muddooyinkii ugu dambeeyay. Sidoo kale, weli ma jirto cid sheegatay
masuuliyaddiisa. Alshabaab ayaa lagu yaqaanay weerarada nuucaan ah.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More