Kenya oo sheegtay in haddii Soomaaliya ay fuliso shuruudda

Dowladda Kenya ayaa qorshe u dajisay bixitaanka Ciidankeeda ku jira howlgalka Ururka Midowga Afrika ee loosoo gaabiyo AMISOM, si loo dajiyo qorshe ciidan oo lagu sugayo ammaanka dalkaas & Soomaaliya.

Monica Juma Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo la hadashay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegtay in uu jiro qorshe ciidan oo ku saabsan howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

Marwa Juma ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay qorsheysay bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika, kahor ka huleelitaankooda Soomaaliya ayay shaaciyay in ammaanka loo gacangelinayo Ciidamada DFS.

Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Monica Juma ayaa tilmaamtay in shuruudaha bixitaanka Askarta AMISOM ay ku xiran tahay helitaanka Ciidamo Soomaali ah oo awooda sugidda amniga dalkooda.

Muddo howleedka Askartaan xiran Koofida Cagaaran ayaa ku siman sanadka soo socda 2021-ka, inkasta oo marar badan la cusbooneysiiyay joogitaanka Ciidamadaan ka socda dalalka Afrika.

Wasiirka Difaaca Kenya ayaa sheegtay in shuruudda Bixitaanka Ciidanka KDF-ta kaliya ay tahay in la helo Ciidamo Soomaali ah oo damaanad-qaada sugidda amniga waddankooda, si loosoo gaba-gabeeyo howlgalka waqti dheeraaday ee AMISOM.

“Soomaaliya iskama soo gelin, waxa ay askarteenu heysteen ogolaanshiyo Golaha Ammaanka iyo mas’uuliyadda xasilinta ee AMISOM, dabcan horumar ayaan ka sameynay howlgalkeena Soomaaliya, Askarta Kenya waa sida Ciidanka kale ee Ururka Midowga Afrika” ayay tiri Monica Juma Wasiirka Gaashaandhigga Kenya.

Ciidanka Kenya ayaa xadka Soomaaliya kasoo tallaabay xili mamnuuc uu ka ahaa howlgalka Midowga Afrika, maadaama loo diidanaa dalalka deriska ah Soomaaliya, balse qiilka ay usoo galeen Ciidda Soomaaliya ayay ku sheegtay la dagaalanka Al-Shabaab, inkasta oo markii dambe lagu biiriyay howlgalka AMISOM.

Hogaamiyayaasha & hoggaanka sare ee Kenya ayaa si qarsoodi ah usoo gala Soomaaliya si ay u kormeeraan Xeryaha Ciidan ee askarta dalkaas ku leeyihiin Deegaannada DG Jubbaland.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More