Kenya oo dib u xusuusaneysa 7-sano kadib weerarkii Westgate Mall!

Maalin sabti 21-ka September 2013-kii ayuu dhacay weerarka lagu bartilmaameedsaday suuqa ganacsiga Westgate Shopping Mall oo xiligaas ay ka dugaameysanayeen dad aad u badan oo kamid ahaa rukunka ku xiran.

Dagaalka ayaa socday intii u dhaxeysay 21-kii September ilaa 24-kii bishaas, waxaana dhismaha gudaha u galay dagaalyahanno hubeysan oo sii qorsheeyay, waxaana isla maalintaas uu weerarka dhacay mas’uuliyadda sheegatay Al-Shabaab.

Dhimasho, Dhaawac iyo burbur maaliyadeed ayaa ka dhashay dagaalkaas, gudaha dhismaha waxaa la wareegtay kooxdii weerarka qaaday oo dagaal la gashay ciidamada kala duwan ee Kenya iyo kuwo shisheeye oo badbaadsanayay muwaadiniin dhalashada dalalkooda heysata.

Kenya ayaa sheegtay in raga weerarka fuliyay ay ahaayeen 4-ruux oo hubeysan, isla markaana aqoon u lahaa dhismaha Xaruntaan ganacsiga, maadaama marba meel ay ka dagaalameen sida ay sheegtay.

Dowladda Kenya ayaa diiwaangelisay dhimashada 68-ruux, balse khasaaraha intaas wuu ka badan yahay sida ay tabisay warbaahinta gudaha Kenya oo la hadashay qaar kamid ah dadka ehelkooda ku dhintay weerarka.

Teleefishinka Citizen ayaa baahiyay in Jimcihii 18-kii September 2020 maxkamad ku taalla Magaalada Nairobi lasoo taagay dad loo heysto in ay ka dambeeyeen abaabulka weerarka Westgate ee 2013-kii dhacay.

Ku dhawaaqista xukunka ayaa dib loo dhigay ilaa 5-ta Oktoobar ee soo socota, sida uu sheegay garsoore Francis Andayi oo gacanta ku haya kiis dacweedka Ragga loo heysto weerarka lagu qaaday Suuqa Westgate Shopping Mall.

Eedeynta ugu badan ee ku dhaceyso Saddexda ruux ee loo heysto kiiska weerarka ayaa ah martigelinta dadka weerarka fuliyay, ku garabgalka sharci darro ay ku joogeen Kenya iyo kiisaska kale oo ah la socosho la’aanta dhaq-dhaqaaqooda.

Kenya ayaa mar sheegtay in ay Soomaaliya ku dishay xubno katirsan AL-Shabaab oo lahaa maskaxdii lagu galay Suuqa Westgate, halka ay dabagal dheeraad ah ku wado shaqsiyaad kale oo qaarkood dhalasho ka heysta.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More