Jubaland oo tallaabo hor leh u qaaday doorashada aqalka sare…

Kismaayo (Axadle) – Guddoonka Golaha wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa maanta magacaabay xubnaha guddiga Baarlamaanka ee qabashada doorashada Aqalka sare ee Jubaland, ee la filayo inay daba-yaaqada bishan ka billaabato Kismaayo.

Magacaabistaan uu Guddoonka Baarlamaanku magacaabay ayaa dabasocota codsigii shalay ay u gudbiyeen guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kaas oo ahaa in golaha wakiilada Jubaland magacabaan guddiga Baarlamaanka u qaabilsanaan doona doorashada Aqalka sare.

Xubnaha Guddiga la magacaabay oo ka koban 9 Xubnood ayaa waxaa ay guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland kala shaqeyn doonaan qabashada doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo Xildhibaannada Aqalka ay dooranayaan Baarlamaanka Jubaland.

Shalay ayaa waxaa Xubnaha guddiga hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed SEIT ee Jubaland ay ku dhawaaqeen in doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare ay waqtigeeda ku qabanayaan xilli ay jiraan culeyso badan oo siyaasadeed.

Musharaxiinta dooneysa in ay kamid noqdaan baarlamaanka 11-aad ee soo aadan oo lacagta diiwaangelintoodu tahay 20-kun oo doolar ayay ugu baaqeen in ay si deg-deg u soo gudbiyaan codiyadooda ama araajidooda.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More