Joe Biden oo si yaab leh uga hadlay xaaladda

Washington (Axadle) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa difaacay ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan, isaga oo sheegay inuu weli ku adkeysanayo siyaasaddaas, ayna tahay xilligii ay ka tegi lahaayeen dalkaas, 20 sano oo dagaal ah kadib.

“Waxaan ahay madaxweynaha Mareykanka, mas’uuliyaddana anigaa leh,” ayuu yiri Biden oo khudbad aad loo sugayey ka jeediyey Aqalka Cad, kadib maalmo uu ka aamusnaa xaaladda Afghanistan.

Biden ayaa sheegay “inuu si qoto dheer uga murugooday” sida xaaladdu isu beddeshay, wuxuuna ballan-qaaday inuu difaaci doono xuquuqda haweenka Afghanistan, oo hadda wajahaya soo laabashada xukunka Taliban.

Hase yeeshee wuxuu si aan gabasho laheyn ugu adkeystay inuusan ka qoomameeneyn soo saarista ciidamada Mareykanka, inkasta oo si aad ah loogu dhalleeceeyey qaskii ka dhacayey halkaas, maalmihii tegay.

“Waxan si buuxda u taageersanahay go’aankeyga. Kadib 20 sano, si adag ayaan u bartay in marnaba aysan jirin waqti wanaagsan oo lasoo bixiyo ciidamada Mareykanka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa qirtay in dowladda Afghanistan u burburtay si ka deg deg badan sidii uu filayey – wuxuuna soo jeediyey inaysan laheyn rabitaan ay kaga hortaagan Taliban. 

“Runta ayaa ah inay u kala fururmeen si ka dhaqso badan sida aan fileynay,” ayuu yiri.

“Waxaan siinay fursado badan oo ay go’aan uga garaan mustaqbalkooda. Hase yeeshee ma aynan siin karin rabitaanka ay ugu dagaalamaan mustaqbalkooda.”

Biden ayaa ugu dambeyn diginin culus ugu jeediyey Taliban inaysan arbushin ama aysan halis gelin daad-gureynta kumanaanka qof ee isugu jira diblomaasiyiinta Mareykanka iyo tarjumaanadooda reer Afghanistan ee ku sugan garoonka diyaaradaha Kabul.

“Waxaan dadkeena ku difaaci doonnaa awood xoog badan haddii loo baahdo,” ayuu yiri Biden. 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More