Janaraal Bogmadow: Waxaan Jilib ku dilnay 30 dagaalame oo Shabaab ah iyo 4 Hogaamiye.

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgal ka fuliyay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe, Sidaas waxaa sheegay Saraakiil Ciidan.

Howlgalka ayaa laga fuliyay Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen gudaha Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhaxe.

Taliyaha qeybta 43Aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed  General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay Idaacada ku hadasha Codka Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in ciidamada danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ay weerar qorsheysan ay ku qaadeen Xarun tababar Al-shabaab ay ku lahayeen degmada Jilib.

Ku dhawaad 30 dagaalame iyo 4 hogaamiye oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa lagu dilay weerarka, sida uu sheegey Taliye Bogmadow, waxa uu Tilmaamay in hogaamiyeyaasha lagu dilay weerarka ay ka mid yihiin labo sarkaal oo Ajaanib ah

Magacyada saraakiisha Ajanibta ah ee lagu dilay howlgalka iyo dalka ay kasoo jeedaan ayaa kala ah Aweys Abu Xamza oo heesta dhalashada Dalka Suuriya , Hassan AlQayaadi (Abu Yaxya) ayaa heesta Dhalashada Dalka Liibiya isagoona ka mid ahaa raga ugu sareeya Al-shabaab

Saldhigga la weeraray ayaa ka mid ahaa xarun lagu tababaro Al-shabaabka fuliya isqarxinta, Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in saldhigga la duqeyay uu ka mid ahaa Goob ay Al-shabaab ay kasoo abaabulaan weerarada qaraxyada ah .

Saanad Ciidan oo lagala baxay Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno xubno kamid ah saraakiisha Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo katirsan Boolis Militaarka Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaaliya Wasaarada ay la baxsadeen Saanad ciidan.

Saraakiisha Wasaarada ayaa sheegay in kiiskaasi uu dhacay xilli dambe oo xalay ah ilaa iyo hadana gacanta lagu haayo Axmed Abuukar Sheikh oo ah labo xidigle taliye hurin u ahaa ciidankaasi hubka la baxsaday.

Axmed oo aan warbaahinta la hadlin lana horkeenin ayaa la sheegay inuu tababar ku Soo qaatay muddo sanado ah dalka Turkey wuxuuna kamid ahaa saraakiisha dhowaan wadanka ku Soo noqdey kuwaas oo aqoontii ay Soo barteen ku biirinayay Ciidanka.

Sarkaalkaan ayaa sida saraakiisha wasaarada laga soo xigtay horay uga tirsanaa ciidanka kumaandooska ee DANAB oo ay tababarada iyo taageera siiyaan Ciidanka Mareykanka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More