Imaaraatka oo Simay Mushaarka Ragga & Dumarka! – Axadle

0

Two female arabic managers showing the engineers what the construction will look like

Amar kasoo baxay Sheekh Khaliifa Bin Zaayid Al-nahyaan Bishii Agoosto ayaa dhaqangalay, waxaana uu ahaa in la jimeeyo (la simo) Mushaarka Ragga iyo Dumarka ka shaqeeya Shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Howlwadeenada looma fiirin doono Rag ama dumar, balse waxa ay qaadan doonaan Mushaar siman, maadaama markii ay kala sareeyeen, amarkaan ayaa ka dhashay kadib markii cabasho la xiriirta Dowladdu gaartay.

Wasaaradda Khayraadka Dowladda Isug tagga Imaaraatka Carabta ayaa sheegtay in tallaabadan ay xoojineyso maqaamka Dowladda ay ku ledahay Gobolka iyo Caalamkaba ee la xiriirta sinnaanta Jinsiga.

Wargeyska Khaleej Times ayaa daabacay in amarkaan uu ka bilawday dhaqangelkiisa 25-kii bishaan oo ku beegneed Jimcihii dhammaadka todobaadkii tagay, wixii xiligaas ka dambeeyana mushaar siman ay qaadanayaan shaqaalaha Ragga & Kuwa Dumar ah.

Dowladda ayaa badashay Qodobka 32-aad ee Sharciga Federaalka farqada 8-aad ee ka hadlaya xuquuqda Shaqaalaha soona baxay 1980-kii, waana kan kala cadeynaya in aysan qaadan Karin Shaqaalaha Ragga iyo dumarka mushaar isku mid ah, sababtu waa in aysan isku dhigmin dhanka awoodda shaqada iyo waxqabadka ugu badan.

Imaaraatka ayaa dabac ku sameeyay go’aamo sanadihii lasoo dhaafay adkaa, waana qayb kamid ah isbadalka maamul ee yimid maamulka talada haya oo ay hadal hayaan dadka falanqeeya siyaasadda.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More