Hogaamiyaha Turkiga oo si rasmi ah u qaabilay Hogaamiyaha Soomaaliya

Arbaco, Luulyo, 6, 2022 () – Hogaamiyaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta xarunta madaxtooyada ku soo dhaweeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo afar maalmood ah ku jooga dalka Turkiga.Labada madaxweyne ayaa yeelan doona wada-hadallo fool-ka-fool ah kaddibna xaflad saxiix ah iyo shir jaraa’id ayaa xigidonna, ka hor inta aan la gaarin kulamada ergada labada dhinac.

Waxaa la filayaa in Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdaan heshiisyo cusub oo uu Turkigu Soomaaliya kaga taageeridoono dhinacyo kala duwan, sida tababarada ciidamada.

Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa ka hor inta uusan booqan magaalada Ankara waxa uu la kulmay ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo tababar ku qaadanayay gobolka Isparta.

“Waxaan booqday askarteena geesiyaasha ah oo tababar kumaandoos ah ku qaadanaya magaalada Isparta ee dalka Turkiga, anigoo gacan ka helaya xukumadda Turkiga,” ayuu madaxweynaha ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Hogaamiyaha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu la kulmo saraakiil Soomaaliyeed oo mustaqbalka wanaagsan leh, wuxuuna Turkiga uga mahad celiyay kaalmadiisa dhinaca amniga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More