Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland oo magacaabay wasiiro iyo wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumadda Jubbaland

Arbaco, Luulyo, 27, 2022 (AX) – Hogaamiyaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa wareegto kasoo baxday Xafiiska ku magacaabay wasiiro iyo wasiir ku xigeeno ka tirsan Xukuumaddiisa, ayadoo la isku badelay Wasaaraddaha qaar.Wareegatada kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa lagu magacaabay laba wasiir iyo laba wasiir ku xigeen, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa wareegtada waxaa loogu magacaabay xilka wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah, waxaana wasiir ku xigeenka Wasaraddaasi loo magacaabay  Faarax Mukhtaar Daa’uud.

Axmed Xasan Cumar ayaa sidoo kale wareegtada loogu magacaabay xilka wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta musiibooyinka, waxaana  wasir ku xigeenka Wasaaraddaasi loo magacaabay Maxamed Cusmaan Jaamac.

Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale Maxamed Cumar Yuusuf u magacaabay gudoomiyaha Maxkamada Degmada Dhoobley, waxaana sidoo kale Madaxweynahu uu Cabdinuur Wali khaliif uu u magaacay inuu Garsoore ka noqdo Maxkamada Degmada Dhoobley.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More