Hogaamiyaha Hirshabelle iyo wafdi ka socday QM oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar

Hogaamiyaha Hirshabelle iyo wafdi ka socday QM oo kulan ku yeeshay magaalada Jowhar

Talaado, Luulyo, 5, 2022 () – Wafdi ay hoggaamineysay ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u
qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho, ayaa maanta gaaray
magaalada Jowhar, halkaasi oo ay kula kulmeen madaxweynaha maamulka
Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Xubnihii la socday wafdiga waxaa kamid ahaa wakiilka
hay’adda FAO, wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan haweenka iyo madaxa xafiika
UNSOM ee Hirshabeelle. Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdiga ayaa ka wadda-hadlay arrimaha
guud ahaan maamulka, gaar ahaan amniga, abaaraha, dib-u-heshiisiinta,
caafimaadka, waxbarashada iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Hogaamiyaha ayaa madaxda Qaramada Midoobe si gaar ah ugala
hadlay in deg-deg looga jawaabo xaaladdaha abaaraha ee ka jira deegaannada
Hirshabelle

Madaxda Qaramada Midoobe ayaa intii ay joogaan magaalada
waxaa ay kulan gaar ah la qaateen qaar kamid ah madaxda wasaarradaha qaar ee
maamulka, ururada bulshada, gaar ahaan ururka naafadda, dhallinyarada,
odayaasha dhaqanka iyo haweenka.

Hassan Istiila, Axadle


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More