Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi oo cafis u fidiyay boqollaal maxbuus

Khamiis, Luulyo, 7, 2022 () – Hogaamiyaha Gobaladda Waqooyi Muuse Biixi Cabdi, ayaa cafis u fidiyay 546 maxbuus oo ah maxaabiista danbiyada fudud galay, munaasibada Ciidal-Odxada awegeed.Wareegto uu ku saxeexanyahay madaxweyne Biixi oo ay madaxtooyadu baahisay, ayaa lagu sheegay in munaasibada Ciidal-Odxada awgeed, lasii dayn doono maxaabiista danbiyada fudud lagu xukumay.

“Waxaan Go’aansaday in laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, munaasibadda Ciiddul-odxad awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus” ayaa lagu yiri wareegtada madaxtooyada kasoo baxday.

Wareegtada ayaa intaa ku dartay in amarka madaxweynaha uu fulin doono xeer ilaaliyaha guud ee Gobaladda Waqooyi, isaga oo raacaya liiska maxaabiista uu madaxweynuhu amray in lasii daayo.

“Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska maxaabiista ee halkan ku lifaaqan” ayaa lagu yiri wareegtada.

Sannadkasta Gobaladda Waqooyi waxaa xabsiga laga sii dayaa boqollaal maxbuus oo ah kuwa danbiyad fudud galay, cafiska ayaa badana lagu beegaa munaasibadaha ciidaha.

Abdiwahab Ahmed, Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More