Hir-Shabeelle oo u digtay Dad ka Ganacsada Biyo aan nadiif

Dad ka Ganacsada Biyaha laga qaado Magaalada Baladweyne si loogu iib geeyo qoysaska ka barakacay Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ku sameeyay Xarunta Gobalka Hiiraan ayaa looga digay ka gacansiga Biyaha aan Caafimaad wanaagsaneen.

Wasaaradda Tamarta & Biyaha DG Hir-Shabeelle ayaa sheegtay in Gawaari Booyado ah lagu qaado Biyo wasaqeysan oo aan caafimaad ahaan u wanaagsan dadka laga qaado Magaalada Baladweyne.

Isu duwaha Wasaaradda Tamarta & Biyaha Hir-Shabeelle Cawil Maxamed Jibriil ayaa Ganacsatada ugu baaqay in haddii ay dadka barakacay Biyo ka iibinayaan in ay u geeyaan kuwo nadiif ah oo laga heli karo deegaanka Ceel Gaal oo 13 KM duleedka ka ah Baladweyne.

“Ganacastada waxa aan uga digeynaa in ay dadka ka iibiyaan biyo aan wanaagsaneen oo laga qaadayo Magaalada Baladweyne si ay uga helaan labo dollar ($2), lacagta waxaa ka qiimo badan caafimaadka, haddii ay dadka biyo ka iibinayaan looma diidanyo balse ha u geeyaan kuwo nadiif ah oo caafimaad ahaan u wanaagsan oo aan dhibaato u geysaneen” ayuu yiri isu duwaha Wasaaradda Tamarta & Biyaha Hir-Shabeelle.

Magaalada Baladweyne waxaa marar is xig-xiga ku fatahay Wabiga Shabeelle, maadaama roobab xooggan ay ka da’een Gobolka Hiiraan iyo dhanka Itoobiya oo uu kasoo gudbiyo Wabiga.

Qoysas badan ayaa ka barakacay Magaalada, qaarkood ayaa dib ugu laabtay, halka shaqsiyaad cabsi ka muujiyay, maankana ku haya fatahaaddii ugu saameynta badneen ay deegaansadeen duleedka Magaaladaas.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More